RW-BORIS JOHNSON OO KA HADLAY…
(UK)-RW-Ingiriiska Boris Johnson ayaa maanta oo Sabti ah(14/5/22)-ka sheegay in 50-qofood oo qaxooti ah loo diri doono dalka Rwanda labada todobad ee soo socoto gudahooda,RW-Boris ayaa intaas raaciyey inuu diyaar u yahay inuu la dagaalamo garyaqaanadda bidixda ee doonaayo ineey is hortaagaan qorshaha xukuumadiisa.Dhawr bilooda ka hor ayey ahayd markii wasiiradda arrimaha gudaha dalka Ingiriiska eey booqatay dalka Rwanda waxa eeyna xukuumadda dalkaasi kala soo hadashay arrimaha qaxootiga Ingiriisku doonaayo in dalka Rwanda ku geeyo qaxootiga soo gala dalka Ingiriiska si halkaas(Rwanda) loogu haayo inta eey socoto hawshooda u aqoonsi qaxooti.
XIGASHO THE GUARDIAN.