RW-ABIY OO MAR KALE KA HADLAY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA ABIY AXMED.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa tilmaamayo in Reysal Wasaare Abiy Axmed uu soo hadal qaaday arrimaha Badda Cas iyo in Itoobiya ey hesho Dekad ey wax uga soo degaan waxne ey dhoofsan karto mar uu RW-Abiy uu la hadlaayey Baarlamaanka dalka Itoobiya,RW-Abiy ayaa sheegay inuu dalkiisa marnaba uusan qaadeyn wax dagaal ah si uu u helo Bad balse si sharciga waafaqsan uu wax u raadsan doono. RW-Abiy ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu xaq u leeyahay inuu helo bad si waafaqsan sharciga Ganacsiga waxa uuna RW-Abiy xusay in dalka Itoobiya uu lahaay laba Dekadood sodon sano ka hor kuwaso ku yiil dalka Eritereya taaso waqti ka mid ahayd dal weynaha Itoobiya,balse dalka itoobiya ayaa hadda waxa uu isticmaala Dekeda dalka Jabuuti.
ISHA/HIIRAAN.