RW-ABIY AXMED OO KA HADLAY MIDNIMADA SOOMAALIYA,SABABTU?

(SAWIRKA)-RW-ABIY AXMED.

(ADDIS ABABA)-Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu maalintii shalay oo ahayd Khamiis uu ka hadlay arrimo ku saabsan Midnimada dalka Soomaaliya iyo inuusan dalkiisa Itoobiya diyaar u ahayn inuu la dagaalamo dalka Soomaaliya ee deriska la ah. RW-Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horaantii bishaan Janaayo-2024-ka waxa ey heshiis ka careysiiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwada gaareen magaaladda Addis Ababa,heshiiska ayaa dhigaayey in dalka Itoobiya saldhig ciidanka badda ah laga siiyo xeebaha Soomaaliland,arrintaan oo cirka isku shareertay ayaa waxaa ka dhashay falcelin aad u weyn iyo dhaleeceyn xoogan oo soo gaarta maamulka Abiy Axmed,waxaane RW-Abiy Axmed lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay dhammaan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa heer gobol waayo shuruucdaasi ma ogola in xadgudub dhinaca dhulka,badda iyo hawada ah lagu sameeyo dal xur ah kana tirsan Qaramada Midoobe,Midawga Afrika iyo IGAD. RW-Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanuu marnaba dagaal la geli doonin dalka Soomaaliya,balse Abiy Axmed ayaa hadda u muuqda nin doonaayo inuu galaangal ku yeesho Xeebaha dalka Soomaaliya.

ISHA/VOA-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-XASAN IYO ABIY MA ISKU ARKI DOONAAN SHIRKA TALYANIGA IYO AFRIKA?

Next
Next

DHAGARQABE ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY B/WEYNE.