MW-XASAN IYO ABIY MA ISKU ARKI DOONAAN SHIRKA TALYANIGA IYO AFRIKA?
(SAWIRKA)-RW-GIORIA MELONI.
(ROME-ITALY)-Reysal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa daaha ka qaaday istaraatiijiyadeed horumarineed ee la rajeynaayo ee Qaaradda Afrika dhammaadka todobaadkan iyada oo sabaynaysa hab “aan ugaarsaneyn” oo ujeedadu tahay kobcinta iskaashiga. Kuwa wax dhaleeceyo waxa ey ku doodayaan in qorshaha oo markii ugu horeysay la soo bandhigay bishii disembat-2022-kii laguna magacaabo “Qorshihii MATTEI”ka dib Eric Mattei oo ahaay aasaasihii caanka ahaay ee Eni oo ah aasaasaha tamarta ee dawladda Talyaaniga laga yaabee inuu danaha Yurub ka hormariyo horumarka Afrika. RW-Meloni oo xaiiska la wareegtay sannadkii 2022-kii oo leh madal ka hortag ee dadka soo gelootiga ah ayaa dooneyso iney dalka Talyaaniga ka dhigto mid xiriir wanaagsan la leh Qaaraddaha Afrika iyo Yurub. Qorshuhu wuxuu ku lug leeyahay in tamarta loo jiheeyo dhinaca waqooyi iyadoo la gelaayo maaalgashi koonfurta si wax looga qabto arrimaha socdaalka iyadoo loo maraayo heshiisyo diblomaasiyadeed. Shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika oo 29-ka bishaan Janaayo-2024-ka ka dhacaayo magaalada ROME ayaa waxaa isugu imaan doono madax ka kala socoto dalal kala duwan oo Afrikaan ah,madaxda gudiga Midawga Yurub Ursul Von der Leyen iyo wakiilo ka socdo hayadaha Qaramada Middobe iyo Bangiga Adduunka. In kasta oo uu Talyaanigu wajahaayo caqabado suuragal ah si uu taageero uga helo Midawga Yurub kaaso soo bandhigay 150-Milyan oo Yuura ah in la siiyo Qaaradda Afrika sannadkii 2022-kii,dawladda Meloni ayaa ilaa hadda u qoondeysay 2.8-Bilyan oo Yuuro wax ka yar sannadkii Qorshaha Mattei marka laga bilaabo sannadka 2024-ka ilaa 2026-ka. Sida laga soo xigtay wargayska dalka Talyaaniga ee LA REPUBBLICA si kastaba ha ahaatee Meloni ayaa raadineyso iney ku maalgeliso 4-Milyan oo Yuuro qaar ka mid ah wadamadda Qaaradda Afrika sida “Aljeeriya,Liibiya, Eyfar Koosti, Tuniisiya iyo Itoobiya”shan sano ilaa todobada sano ee soo socoto. Hogaamiyaha garabka midig ayaa lagu soo waramayaa inu isku dayaayo inuu qanciyo Midawga Yurub iyo shirkadaha Tamarta ee dalka Talyaaniga ee ENI iyo Emel oo leh dano istaraatiijiyadeed oo Qaaradda Afrika ah iney ku biiraan.
ISHA/bne.