REYSUL WASAARAHA DALAKA ARMINIYA OO KA BADBAADAY SHIL..
(SAWIR)-KA.RW-PASHINYAN.
(MOSCOW)-Reysul Wasaaraha dalka Armiiniya Nikol Pashinyan ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in diyaaraddii uu la socday ey si deg deg ah u degtay cimilada oo xumaatay aawadeed. Dhcadadaan ayaa ka dhacday meel u dhaw Vanadzor oo ah magaaladda seddexaad ee ugu weyn ee dalka Arminiya ahne caasimadda Gobolka Lori ee Waqooyiga Gobolka Buuraleyda ah,ayuu Reysala Wasaare Pashinyan ku soo qoray bartiisa Fcebook-ga. “Cimiladda oo xun darteed,Helibkobtarkeyga wuxuu si deg deg ah ugu degay Vanadzor,hadda waxaan sii wadanaa safarkeynii inagoo isticmaaleyna Baabuur,dhammaantiin waxaan idiin rajynaa maalin wanaagsan” ayuu yiri RW-Pashniyan. Sida ey ku wraameen Warbaahinta,RW-Pashinyan ayaa ku sii jeeday degaanka Baganis oo ku yaala xadka u dhexeeyo Armiiniya iyo Asarbajaan halkaaso dhawaan la calaamadeeyey.
ISHA/AA.