RAYSAL WASAARE LOO XIRAY DAROOGO.

(USA)-Shalay oo khamiis ahayd(28/4/22)-ka ayaa waxaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Miyaami ee gobolka Florida ee dalkaas Maraykanka Raysal wasaaraha British Virgin Island,Raysal wasaaraha ayaa ku edeysan ineey soo gashay lacag sharci dara ah iyo inuu maandooriyaha COCAINE-ka u dhoofiyey dalkaas Maraykanka,arrintaan dhoofinta maandooriyaha ayaa waxaa iska kashaday Raysal wasaaraha iyo dalaaliin ku xiran ururka Xisbullaahi ee dalkaas Libnaan.Ciidamadda la dagaalo Maandooriyaha ee dalkaas Maraykanka(DEA)-da ayaa soo xiray RW-Andrew Fahie oo ah hogaamiyaha jaziiradda kariibiyaanka iyo dhul badeedka uu maamulo Ingiriiska kuna talo bartamaha Panama,daroogada loo haysto RW-Andrew inuu soo geliyey dalka Maraykanka ayaa lagu qiimeyey ineey dhan tahay(7.8)-Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

XIGASHO MIDDLE EAST EYE

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY MASAAJID KU YAALO AFGAANISTAAN.

Next
Next

XASUUQ MUSLIMIIN LOOGU GAYSTAY ITOOBIYA.