QARAX KA DHACAY MASAAJID KU YAALO AFGAANISTAAN.
(KAABUUL-AP)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu burburiyey masaajid ku yaalo caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kaabuul maanta oo Jimca ah(29/4/22)-ka,qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaarayo ila iyo toban qofood waxaane ku dhaawacmay in ka badan sodon qofood sida uu sheegay afahayeenka kooxda Taalibaan ee hadda maamusho dalkaas Afgaanistaan.Masaajidka la qarxiyey ayaa waxaa maanta salaadii Jimcaha ku dukanaayey boqolaal qofood ayadoo ey maanta tahay Jimcadii ugu dambaysay ee Bisha Ramadaan.Khalifa Aga Gul Jan oo ah masaajidka la qarxiyey maanta ayey dadka deriska la ah sheegeen ineey ka cabsi qabeen in qarax lala soo beegsado masaajidkaan.
XIGASHO AP.