RAMLA CALI OO CEEBEYSAY WASAARADDA CAYAARAHA SOOMAALIYA.
Dalka Jabaan waxaa sannadkaan lagu qabtay cayaaraha olympic,dalka soomaaliya cayaarahaan waxaa uga qeybgashay gabar la yiraahdo Ramla Cali oo degan dalka Ingiriiska,Ramla ayaa ku tartamaysay Feerka waana looga guulaystay Ramla hase ahaatee Ramla ayaa waxa eey u warantay oo waxa eey waraysi siisay warbaahinta la la yiraahdo SKY qeybteeda cayaaraha(SKY SPORTS) waxa eeyna ka hadashay waxyaabo si gaar ah aad ula yaabaysid marka aad maqashid tusaale ahaan Ramla ayaa tiri”Afarti iyo Shanti sano aan ku tartamaayey magaca soomaaliya kama aan helin dhinacooda wax dhiirgelin ah haba ka yaraatee hal doolar” hadalkeed ayey sii wadatay Ramla oo waxa eey tiri”Laba maalin ka hor inta aan aadin Tokyo waxa aan soo shaqeeyey shaqo waqtigeedu yahay laba iyo toban saac,runtii waa arrin aad u adag adigoo aadaayo tartanka Olympic soo shaqeey saacado intaas la’eg”,qofka soomaaliga ah waxa uu is weydiin karaa soomalaiya waxa eey leedahay wasaarad u qaabilsan cayaaraha lagulana xisaabtamo hawsheeda,hadaba in cayaartooy soomaaliyeed oo calanka dalka geeyey goob caalami ah inuu saan u hadlo waxay sumcad xumi u tahay soomaaliya oo dhan gaar ahaan DFS waayo xiriirka cayaaraha fudud ayey ahayd inuu cayaartooyda sida Ramla ee isa soo dabirtay in la dhirigeliyo lana tuso wadaniyad ka keeni karta ineey ku faanto soomaalinimada,waxaa dalka laga soo diray oradyahan waxaan sagootin u soo sameeyey Madaxweyne Framaajo laakinse la isma weydiin wixii dhacay iyo warkaan ka soo yeeray Ramla Cali,Gudiga Olympic Soomaaliyeed ee uu gudoomiye ka yahay C/laahi Tarabi ayey tahay in la weydiiyo waxa eey ku dhacday in Ramla Cali sidaan u hadasho.XIGASHO WAKALADO.