RAILA ODINGA OO LAGA HOR-ISTAAGAY TARTANKA AUC-DA.

(SAWIRKA)-RAILA ODINGA.

(ADDIS-ABABA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in sharci-yaqaano ka tirsan Midawga Afrika(AU) ey sameynayaan codsi kale kaaso laga yaabo inuu hor istaago Hogaamiyaha Miucaaradka dalka Kenya Raila Odinga,sharci-yaqaanadda ayaa soo jeediyey in tartanka soo socdo ee kursiga Gudoomiyaha Gudiga loo xadido iney u tartami karaan Dumar kaliyah. Raila Odinga ayaa ah Musharax ey ansixisay dawladda Kenya inuu u tartamo kurigaas AU-da bedelana Gudoomiyaha hadda xilka haayo ee ah diblomaasi u dhashay dalka Jaad Moussa Faki Mahamat,Hindisahaan ayaa loo qeybiyey dawaladaha xubnaha ka ah Ururka Midawga Afrika Talaadadii la soo dhaafay waxaane dawladahaasi loo sheegay amaba lagu wargeliyey in kursigaas ey u tartami karaan Dumar oo kaliyah eyna yihiin kuwa xaqa u leh iney u soo tartamaan kursiga Gudoomiyaha oo dhici doono sannadka-2025-ka,tartamayaasha ayaa ka imaan doono Gobolka Bariga Qaaradda Afrika. Soo jeedinta sharci-yaqaanadda ayaa ka kooban warbixin qabya ah oo dib loogu eegaayo u diyaar garawga doorashadda hogaanka sare ee Gudoomiyah Ururka Midawga Afrika ee bisha Feberaayo-2025-ka.

ISHA.EA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO HORUMAR KA SAMEYSAY…

Next
Next

NISA OO QABATAY GUDOOMIYE HORE EE DEGMADA DHARKINLEY.