RAGII KA TIRSANAAY ALSHABAAB OO LOO GUDBIYEY XABSI CUSUB.
(KENYA):Dalka Kenya waxaa weli ka socdo hadal haynta ragii ka tirsanaay Alshabaab ee ka baxsaday xabsiga kuwaaso la soo qabatay dhawr maalmood ka dib,maanta oo ah Isniin waxaa xabsiga loo taxaabay todob qofood oo lagu tuhmaayo ineey qeyb ka qaateen baxashadda Alshabaabka ,garsoore Boaz Ombare ayaa amray in sodon maalmood xabsiga lagu sii haayo todobadaan qofood ee loo haysto ineey sahleen baxsadka alshabaab.Baarayaasha dhacdadaan ayaa sheegay maanta in telefoonada seddexda nin ee ka tirsan alshabaab laga helay macluumaad fara badan eey ka mid yihiin cidda lacagaha u soo dirtay,cidda gaariga kaga qaaday magaaladda Nayroobi iyo cidda loo diyaariyey ineey ka gudbiso xuduuda u dhexeeyso Soomaliya iyo Kenya.ISHA STAR.