RABASHADO KA DHACAY GAROON KU YAALO FARANSA.

(SAWIR)-KA.GAROONKA EY RABSHADUHU KA DHECEEN.

(PARIS-AFP)-Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Lyon ee dalka Faransiiska ayaa ku celceiyey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyagoo cambaareeyey rabshadihii ka dhex qarxay taageerayashooda kubadda cagta oo ku sii jeeday cayaarta kama dambaysta ah ee koobka Horyaalka dalka Faransiiska Sabtidii shalay ahayd,rabshadahaas ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaarayo ill 38-Qof waxaane lagu gubay Bas. Iska horimaadka taageerayaasha labada kooxood ayaa waxa uu ka dhacay meel 60-Kiiloomitir u jirta Waqooyiga magaaladda Lille ee Waqooyiga dalka Faransiiska,rabshadda ayaa waxa ey dhexeysay taageerayaasha kala taageero kooxaha Paris Saint-Germain iyo Lyon kuwaaso ku sii jeeday ciyaarta bandhiga,waxaane ka qeybgelaayey MW-Macron. Cayaarta kama dambaysta ah ayaa socotay iyadoo Amaanka la adkeeyey,waxaane (2-1) ku badisay kooxda Paris Saint-Germain laakinse waxaa hareeyey isku dhac ey ka qeybgaleen ilaa 100-taageerayaasha Lyon ah iyo 200-taageerayaasha Paris Saint-Germain ah sida laga soo xigtay ilo Boolis ah. Rabshadaha ayaa waxaa lagu gubay hal bas laba kalane waxyeelo ayaa soo gaartay,masuuliyiinta waaxda Nord ee degaanka ayaa bayaan ey soo saareen xalay ku sheegay in 30-taageere iyo 8-askeri oo boolis ah ey dhaawacmeen,waxaane fiirin caafimaad u baahday 14-Qof.

ISHA/AFP.

SII AKHRI.

Previous
Previous

CAALAMKA OO DHAN AYAA LAGA CAMBAAREYEY ISRA’IIL.

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY BUURAHA CAALMADAW.