Xawaaladdo soomaliyeed kuna lug yeeshay…
Shirkafaha xawaaladaha soomaalidda ayaa waxaa la sheegay in sanadihii la soo dhaafay lacag dhan 3.7-milyan oo doolar oo kaash ah u kala qaadeen dad looga shakisan yahay ineey ka ganacasdaan hubka noocyadiisa kala duwan. Warbixinta oo lagu daabacay wakaaladda wararka caalamiga ah ee REUTERS ayaa waxaa lagu sheegay in dadlkaasi uu ku jiro nin uu horay Maraykanka u saaray cunaqabateyn una dhashay dalka Yemen,ninkaan ayaa lagu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay natiijoyin eey soo bandhigeen koox baarayaal ah fadhigooduna yahay Geneva lana yiraahdo Global Initiative Against Transnational Organized Crime oo cilmi baarayaal ah in arrintaan ay sii xoojin karto qorshaha xawaaladaha soomaalida ay ku doonayaanineey kula sii shaqeeyaan Bangiyada caalamiga ah. Warbixinta ayaa xustay in arrintaan wax laga weydiiyey Bankiga dhexe ee soomaaliya oo ay hoos yimaadaan xawaaladaha soomaalida inaysan waxba kala socon,hase yeeshee eey baaris ku samaynayaan si il gaar ah loogu haayo ineey horumar ka sameeyeen ka hortaga waxa dalalka reer galbeed ugu yeeraanArgagixisada. Wakaaladda wararka REUTERS ayaa la xiriirtay afar shirkadood oo ka mida xawaaladaha soomaalida waxa eeyna u sheegeen ineey ka warqabaan macaamiishooda isla markaasne eey ilaaliyaan shueuucda caalamiga ah,sidoo kale eeyna hayaan magacyada iyo xogta dadka cunaqabateynta la saaray iyo kuwa laga qaaday intaba. Kooxda Global Initiative Trasnational Organised Crime ayaa sheegay ineey ogaadeen in lixdii sano ee la soo dhaafay in magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari laga diiwaan geliyey macaamiil ganacsi isla markaasne diiwaan gelintooda loo maray keeydinta telefanadooda gacanta iyo in lahelo ilaha dhanka amniga ee magaaladaas. Warbixinta kooxda Global Initiative eey baahisay REUTERS ayaa lagu cadeeyey in lixdii sano ee la soo dhaafay176-macaamiil ineey xiriir la sameeyeen dad lagu tuhmaayo ineey ka ganacsadaan hubka u kala goosha dalalka soomaaliya iyo yemen,ku dhawaad sedex meelood laba meel ayaa ka sareeyey toban kunoo doolar($10000) oo ah marinka ey tahay inuu kiciyo warbixin dhaqso ah hayadaha xakameynta. Waxay ka mkid yihiinlaba wareejinoo wadar ahaan ku dhaw afartan kun doolar($40,000) lamabarada lala xiriirinaayo Say Cabdurabo Salem Al-hayashi ka dib markii Hanti-dhawraha Maraykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay sannadkii 2017-kii ka dib markii lagu eedeeyey inuu hub iyo taageero dhaqaale siiyey Al-qaacidadad Jasiradda Carabta iyo Dawladda Islaamiga ah ee Yemen,ayaa lagu yir warbixinta. AL-HAYASHI LAMA HELIN SI UU FAALO UGA BIXIYO.
Xawaaladaha Amal Express iyo Iftin Express oo fadhigoodu yahay soomaaliya ayaa wax ka qabtay macaamiladda,kuwaasoo adegsaday shaabado kal gedisan oo isugu jira magaciisa iyo naanaystiisa,ayaa lagu shegay warbixinta. Xawaaladda Amal Express waxa eey sheegtay in warqad wareejin ah oo lagu muujiyey warbixinta lana sheegay ineey xiriir la leedahay Al-hayashe eey tahay been abuur. Xawaaladda Iftin Express waxa eey sheegtay in warqadaha is weydaarsiga ahayd mid been abuur ah waxayna intaas ku dartay ineey ku wargelisay dhammaan macaamil ka badan toban kun doolar($10,000)maamuladda soomaaliya. AQOONSIYADDA BADAN.
Warbixinta ma helin wax tusaale ah lana xiriiro labada shirkadood ee kale kalana ah Dahabshiil iyo Taaj ay ugu wareejiyeen shaqsiyaad kasta oo cunaqabateyn la saaray.Laakin waxay xustay dhacdooyin ay shaqsiyaadku awood u yeesheen ineey kula wareegaaniyaga oo adeegsanaaya magacyo iyo tiriyooyinbadan,taas oo xadgudub ku ah sharciga soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in hal nin uu u adeegsaday 24-magac afarta shirkadood. Dhammaan afartaan shirkadood waxa eey sheegeen ineeysan u ogolaan macaamiishaineey adeegsadanaqoonsiyo badan ama lambaro talefano. shirkadda Dahabshiil waxay kaloo shegtay ineey joojisay xawaaladii u dhexeysay soomaaliya iyo yaman. Shirkaduhu ma eeysan sheeginin lixda nin ee warbixinta lagu magacaabay ineey keydkooda ku jiraan iyo in kale. Marka laga reebo Al-hayahe kaliyah ee cunaqabateynta uu Marayakanka saaray sedex kale oo magacyadooda ka muuqdaan dhaqdhaqaaqyo laga shakisan yahay looguna aqoonsaday ineey yihiin dad la tuhmaayo ineey ka ganacsadaan hubka warbixinadadadweynahaee gudiga khubarada ee qaramada midoobay. Laba ayaa la calaamadeeyey mid wakiil Al-hayashe ah iyo mid ka mida ganacsatada hubkalifaaq qarsoodi ahee warbixintii 2018-kii ee isla gudigaan. Inyar oo soomaalida ah ayaa leh akoono bangi,shirkdaha lacagaha xawilaa oo badanaa loo yaqaano xawaaladaha waxay muhiimu yihiin dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadanimada. Shirkadaha oo laga jaro jawaab ma ahan,ayuu yiri ninka qoray warbixintaan Jay Bahdur madaxii hore ee gudiga khubaro ka tirsan UN “marka laga reebo shirkadaha ka socdo adeegyada bangiyadacaalamiga ah waxay ciqaabi doonaan qoysas iyagaku tiirsanisla markaane dhaqaajin doonosocodka maaliyadeed ee dhulka hoostiista ah”ayuu yiri. KAARKA AQOONSIGA.
Laakin wuxuu yiri shirkaduhu waa ineey hubiyaan in wakiiladooda raacaan sharciyadala dagaalanka lacagta la dhaqay iyo in maamuladda soomaalida ay hagaajiyaanfulinta. “Hayadaha nidaamiya maaliyadda soomaaliya waa shaqaale hoose oo aan haysan agab dhaqaale isla markaane lagu lalsoonayn hayadaha maaliyadeedka gudaha”ayuu us heegay REUTERS.” Waxay helaan xog kooban oo warbixin ah mana awoodaan ineey talaabo badan ka qadaan waxa ey helaan”. C/raxmaan M.C/laahi,gudoomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya ayaa sheegay in iskaashiga uu soo wanaagsanaanaayo,soomaaliya ayaa kala shaqeynaysa bangiga adduunka samaynta kaarka aqoonsiga qaranka,sida uu u sheegay REUTERS. Wuxuu sheegay in loo xiray jebinta sharciga la dagaalanka lacagta la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada,asagoo tusaale u soo qaatay kiis lagu ganacsade lagu xukumay bishii agoostoinuu maamulo bangi aan diiwaan gashaneyn,xarunta wxbixinta maaliyadeed oo ah hayad dawladeed oo ilaaliso soomaliya kaa aysan jawaabin codsiayad faalooyinka ah. XIGATAY R/RISAALA. ASALKA QORAALKA REUTERS.