QAABKEE AYUU QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE,YAA DEJIYEY QORSHAHA?

KHEYRE-HG.png

Waa cinwan soo jiitay indhahayga mudana aan keydihaayey soo gudbintiisa,waxaane u sabab ah inaan ka gungaaro ujeedada ka dambaysa waxa ka dhacay Dhuusamareeb,R/W-re Xasan Cali Khayre waa isaga masuulka DFS uga wakiilka ahaay dhisida maamula Galmudg waane degaanka uu asal ahaan ka soo jeedo Xasan Cali Kahyre,mana aha mid la inkiri karo dadaalkii iyo juhdigii uu geliyey sidii Galmudugta cusub u noqon lahayd mid la tartanta maamuladda la midka ah,Xasan Cali Khayre dhisida maamulka Galmudugta cusub waxa eey ku kala go’een dad badan oo xigtadiisa ah iyo saaxibo aan la dhacsaneyn qaabka uu u maamulaayo Galmudugta cusub balse isaga la ahayd arrin aad qurux badan. R/W-re Khayre waa masuulkii ugu waqti dheeraay ee qabta xilkaas waane kii ugu sahlanaay oo xilka looga tuuray wax ka yar toban daqiiqo,yaa ka dambeeyey arrimihii sababay in Khayre xilkiisa ku waayo waqti aad u yar? Yaw aaminay Khayre oo khiyaanay soona istaajiyey meel cad? Ma waxaa jira xog eynaan ogayn oo keentay in Khayre sidaas fudud kaga baxo saaxadda siyaasadda lana waayo meel uu cag dhigay,ragaa faraxsanaay qosolne u dheeraay markii mooshinkii qarsoonaay la soo saaray miiska kalsoonidiina laga noqday xukuumadii Khayre eeyna la ahayd ineey gaareen guushii kama dambaysta ahayd eey u hanqal taagayeen waayo waxaa la sheegay inuu jiray heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray qaar ka mida xildhibaanada BFS iyo Villa-da balse hadda yimid banaanka,shalay oo ahayd khamiis waxa uu madaxweyne Farmaajo magacaabay R/Wre-cusub lana yiraahdo Maxamed Xuseen Rooble kana soo jeedo Galmudug,su’aasha ayaa ah R/wre-rooble ma waxa uu ku yimid rabitaanka Farmaajo mase kartidiisa mase balan horay loo galay fulinteeda,hadal iyo dhamaantiisa cinwaanka ayaa waxa uu ku soo baxay bog ka mida boggaga ka hadlo arrimaha soomaaliya si gaar ahne u lafa guro arrimaha markaas taagan,qoraalkan ayaa bogaas ku soo baxay horaantii bishii dhammatay ee Agoosto-2020-ka,sidan ayuuna ku bilaabay hadalkiisa qoraaga.

Intii u dhexeeysay 1-da ilaa 25-bisha juulaay 2020-ka waxaa ka dhacay dalka soomaaliya qorsho siyaasadeed oo aad looga soo shaqeeyey kaasoo sababay in R/Wre-xasan Cali Khayre kuwaayo kursigiisa raysal wasaarenimo isla markaasna si karaama darro ah loo bahdilo isaga iyo beesha uu ka dhashay ee Murusade.

SAFARKII KHAYR EE DOOXA.

Intii Xasan Khayre uu safarka ugu maqnaa magaaladda Dooxa ee dalka Qadar 27-bishii Juun ilaa 5ta-bisha Juulaay 2020-ka waxaa magaaldda Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey Gudooka Baarlamaanka(Mursal iyo Muudeey) iyo Framaajo oo ay garab taagan yihiin saaxibadiisa. Kulamadaas ayaa nuxurkooda ahaa in Khayre lagu qanciyo inuu ka tanaasulo hamigiisa ah inuu Madaxweyne Farmaajo kula tartamo doorashada isla markaane uu ogolaado in dawladda Farmaajo hesho waqti kordhis iyada oo laga wada shaqeynaayo in dalka eey ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah. Kulanadaas ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Xasan Cali Khayre loo bandhigo qorshaha Farmaajo iyo gudoonka baarlamaanka,haddii uu diidana lagu qasbo inuu iscasilo,haddii taladaas diidana la bilaabo qorshihii baarlamaanka ku ceyrin lahaa Xasan Cali Khayre.

KULAMADDII KHAYRE IYO GUDOOMIYE C/WELI MUUDEEY.

Intii u dhexeeysay 6-da bishii juulaay ilaa 9-ka isla bisha Juulaay-2020-ka waxaa kulamo dhexdhexaadin ah sameeyey gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka soomaaliya C/weli Muudeey kaasoo u kala deb qaaday Farmaajo iyo Khayre isaga oo isku dayay in uu ku qanciyo Khayre inuu ku shaqeeyo rabitaanka madaxweyne Farmaajo isla markaane uu ka tabaasulo fikirkiisa ah inuu dalka qaato doorasho dadban. Iyada oo wadahadalkaas socdaan ayaa bishii Juulaay-9-keedii waxa uu Xasan cali Khayre ka sheegay shirkii golaha wasiiradda inuu dalku aado doorasho waqtigeedana lagu qaban doono doorashadaas.Arrintaan waxa eey ku noqotay yaab iyo amakaag labada masuul Mursal iyo Mudeey oo rumaysnaay in Khayre ka tanaasulay fikirkiisa doorashadda.

KHAYRE IYO XIRIIRKIISSII QARSOONAA EE MADASHA XISBIYADDA QARANKA.

Dhawr asbuuc ka hor inta uusan u safrin dalka Qadar Xasan Cali khayre waxa uu xiriir hoose la furtay qaar ka mida hogaanka madasha xisbiyada qaran,wada hadaladaas ayaa nuxurkooda ahaa in labada dhinac ka shaqeeyaan in dalka doorasho ka dhacdo,isla markaane si wadajira loo taageero shira laga yaabo ineey isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyadda. Farmaajo oo maqlay wada hadalkaas ayaa waxa sii galay dareen ah in Khayre doonaayo inuu uga baxo balamo uu horay ula galay. Farmaajo oo ka duulaayo dareenkaas ayaa waxa uu go’aansaday in la bilaabo abaabul qorshaha lagu ceyrin lahaa Khayre. Masuuliyadda waxaa la wareegay agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxweynaha Galmudug Axmed qoor-Qoor.

FAHAD YAASIIN IYO QOOR-QOOR OO SI WADA JIRA U BILAABAY QORSHAHA LAGU KHAARIJINAAYO KHAYRE.

Waxaa in muddo ah daaha siyaasadda gadaashiisa ka socday wada hadalo u dhexeeyey Fahad Yaasiin,Qoor-Qoor,C/kariin Guuleed iyo qaar ka mida golaha wasiiradda cusub ee Galmudug. Qorshaha Fahad ayaa ahaay in hogaanka Galmudug eey kala shaqeeyaan sidii Xasan Cali Khayre siyaasadda looga saari lahaay. Axmed Qoor-Qoor ayaa aad u soo dhaweeyey talada ah in laga takhaluso Khayre Galmudugne qeybta ugu weyn ka qaadato ceyrintiisa,Qoor-Qoor ayaa loo balan qaaday in marka uu baxo Khayre uu isaga keensan doono musharax HabarGidir ah oo lagu bedelo Xasan Cali Khayre.Qorshahaas ayaa waxaa si qarsoodi ah ula wadaagay saaxibadiisa gaarka ah oo eey ku jiraan Kamaal Guutaale,Axmed C/salaan,Mahad Salaad,Axmed Macallin Fiqi iyo Saabir. Siyaasiyiinta beesha HabarGidir oo u arkaayey fursad eey uga aarsadaan Khayre ayaa dhammaantood waxa eey ku tashadeen in aan marnaba Khayre wax dareen ah la gelin isla markaane uu Axmed Qoor-Qoor uu si joogta u xariirioyo isaga oo u muujinaayo inuu isaga la jiro mar-marka qaarne ku dhiiri geliyo inuu dagaal ku qaado Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

GUDOOMIYE MURSAL IYO MUUDEEY OO DIB U BILAABAY WADA HADALKA FARMAAJO IYO KHAYRE

Xasan Cali Khayre ayaa intii shirka dawlad goboleedyada uu ka socday magaaladda Dhuusamareeb waxa eey kulamo gaar gaar ah la yeesheen Khayre iyo Farmaajo si lo qanciyo in Khayre ka noqdo g’aankii uu ka sheegay Golaha wasiiradda ee ahaa in dalka doorasho dadban ka dhacayso xiligeedana ay dhacayso. Dhawr kulan ka dib Xasan Cali Khayre waxa uu ogalaaday inuu ka noqdo go’aankiisii hore isla markaasne uu madaxweyne Farmaajo uga sii hormaro magaaladda Dhuusamareeb isaga oo ka shaqeyn doona in uu ku qanciyo dawlad goboleedyadda in eey taageeraan qorshaha madaxweyne Farmaajo ee ah waqti kordhinta. la soco qeybta xigta.

Xigasho Bogga Muqdisho Online.

Previous
Previous

QAABKEE AYUU QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE,YAA DEJIYEY QORSHAH?

Next
Next

Xawaaladdo soomaliyeed kuna lug yeeshay…