SACUUDIGA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY….
Maanta oo Arbaca ah 13.1.2021-ka ayaa dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabaiya soo saaratay digniin ku socoto mawaadiniinta Sacuudiga iyo dadka haysta deganaashaha dalkaas,digniinta ayaa ku saabsan inaan loo safri karin laba iyo toban dal uu ka jiro cudurka Covid-19 ogolaansho la’aan.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxaan loo soo safri karin dalalka kala ah”Liibiya,Suuriya,Libnaan,Yaman,Iraan,Turki,Afgaanistaan,Armiiniya,Soomaaliya,Koongo,Venasuweela iyo Beelaruus”dalalkaan ayaa hadda ah kuwa ku jiro liiska dalalka uu sida xun uga jiro cudurka Corona-Virus-ka.XIGASHO GULF NEWS.