QRAXA LAGU WEERARAY CIIDANKA JABUUTI.

(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY BELED WEYNE.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir uu ka dhacay Qarax nuuciisu yahay Miinadda Dhulka lagu aaso ah,Qaraxa ayaa lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliska Mileteriga ee ka hwalgala Degmada Kaxda ee G/Banaadir. Ma jirto cid ku dhimatay Qaraxa ka dhacay Degmada Kaxda ee G/Banaadir balse waxaa ku dhaawacmay Taliyaha booliska Mileteriga degmada Kaxda L/Xidigle Abshir Shaafic iyo seddex ka mid ah ilaaladiisa la socotay waqtiga uu dhacaayey Qaraxa,si gaar ah waxaa dhaawaciisa uu aad u daran yahay mid ka mid ah ilaalada taliyaha. Degmada Kaxda oo hadda Gabaad ahaan ey Alshabaab daafaha uga degan yihiin ayaa wajahaysa dhibaatooyin aad u ba’an oo dhinaca Amniga ah,waxaane maanta ka jiray Banaanbax ey sameynaayeen shacabka degmada Kaxda kuwaaso ka cabanaayey Aflagaado loo gaystay nin lagu sheegay inuu yahay Nabadoon caan ka ah degmadad Kaxda magaciisana lagu soo koobay Gabyaa. Kooxda Alshabaab oo rabshado ku nool ah ayaan ka faa’iideyssatay banaanbaxa ka dhacay degmada Kaxda waxa eyna miino geliyeen wadooyinka Degmada iyagoo ka faa’iideysanaayo banaanbaxa socdo iskana dhigaayo dad shacab ah. Dhinaca kale,degmada B/weyne ee G/Hiiraan ayaa iyadana waxaa maanta ka dhacay Qarax aan la sheegin nuuciisa,Qaraxa ayaa lala eegtay Xeradda ciidanka Jabuuti ee ka tirsan ATMIS kuna taalo Xaafadda H/wadaag ee degmada B/weyne,weli lama yaqaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo waxaa socdo baaritaan balse waxaa farta lagu fiiqayaa iney ka dambeysay kooxda Alshabaab. Ciidamadda Atmis oo ku sugan degmada B/weyne ayaa kala ah kuwa ka soo kala jeedo dalalka Jabuuti iyo Itoobiya waxaan maalmihii la soo dhaafay jiray warar aan kala cadeyn oo sheegay inuu liitay xiriirka labada ciidan ee Jabuuti iyo Itoobiya ka dib markii Itoobiya lagu soo daray Ciidanka ka bixi doono Soomaaliya dabayaaqadda sannadkan 2024-ka. Haddii aan dib u xusuusano weerarkii Alshabaab ey ku qaadeen Xeradda Ciidanka Kenya ey ku lahaayeen degaanka Ceel-Cadde ee G/Gedo tariikhdu markeey ahayd 16/1/2016-kii waxaa sababtiisa lahaa ciidanka Itoobiya oo baneeyey difaacii ey ku jireen sababayne in ciidanka Kenya ku hoobtaan dagaalkaasi waayo Aaga laga soo weeraray ciidanka Kenya ayaa waxaa ka baxay ciidanka Itoobiya iyagoo aan la socodsiin dhigooda Kenya.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

QOYSKA JUWEYRIYA SUBCIS OO CABASHA KA AH…

Next
Next

KALFADHIGA 5-AAD EE BJFS OO FURMI DOONO…