QOYSKA JUWEYRIYA SUBCIS OO CABASHA KA AH…

(SAWIRKA)-AUN-JUWEYRIYA IYO AYAAN.

(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Qoyska Juweeyriya Maxamed Subcis oo Xubin ka ahayd Golaha dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee hadda haayo Taladda dalka Itoobiya iyo tan maamulka Golaha Dawlad Degaanka Soomaalidda,Juweyriya ayaa la toogtay Bishii Oktoobar sannadkii 2022-kii,Qoyska ayaa Wargayska Addis Standard u muujiyey sida ey uga xun yihiin qaabka wax u socdaan,waxa eyna sabab uga dhigeen ineysan jirin Cadaalad sax ah iyo Magdhaw iyo waliba cadaadis ey ku hayaan ciidamadda amaanka Gobolka Soomaalidda Itoobiya,waxa eyna qoyska Juweyriya sheegeen iney arrintaasi aad uga xun yihiin. Marka laga soo tago sheegasha la’aanta dariiqo sharci ah oo ku haboon iyo magdhaw maaliyadeed,waxay sheegeen Qoyska Juweyriya iney la kulmeen “Hanjabaad,Gacan ka hadal iyo Xarig”ey u gaysteen ciidamadda Amaanka ee Gobolka Soomaalidda. Taariikhdu markeey ahayd 25/10/2022-kii,Juweyriya waxaa si xun u toogtay askeri ka tirsan Booliska Federaalka kuna sugnaay Garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal ee magaaladda JigJiga ee Xarunta u ah Dawlad Degaanka Soomaalidda. Dhacdadaan ayaa sidoo kale sababtay in dhawacyo culus ey soo gaaraan seddex qofood oo kala ah: Juweyriya Walaahseed Ayaan Maxamed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Gobolka,C/rashiid Maxamed. Maxkamadda Sare ee magaaladda JigJiga ee Dawlad Degaanka Soomaalidda ayaa taariikhdu markeey ahayd Diseembar-2022-kii waxa ey dil toogasha ah ku xukuntay askerigii dilay Juweyriya taaso Jawaab u ahayd dilkii Juweyriya balse weli aan lagu fulin askerigii gaystay dil bareerka ah.

ISHA/ADDIS STANDARD.

SII AKHRI.

Previous
Previous

GUDOOMIYAHA DEGMADA B/WEYNE OO KA HADLAY…

Next
Next

QRAXA LAGU WEERARAY CIIDANKA JABUUTI.