QOYSKII REER ISRAA’IIL OO LA SII DAAYEY.

(MODIIN):Qoyskii reer Israa’iil ah ee lagu xiray dalka Turkiga todobaad ka hor ka dib markii lagu eedeeyey ineey basaasaayeen madaxweynaha dalka turkiga Ordigaan ayaa shalay oo khamiis ahayd waxa eey dib ugu laabteen dhulkii eey ka yimaadeen ee Israa’iil.Mordi iyo Natelie Oknin ayaa soo gaaray bartmaha Israa’iil waxaane halkaas ku soo dhaweeyey qarabadooda,asxaabtooda iyo saxafiyiin fara badan oo goobta u yimid ineey waraystaan.Natalie oo joogta balakoonka gurigeeda ayaa waxa eey u mahad celisay dhammaan dadkii ka qeybqaatay sii deyntooda,dalka Turkiga oo lamaanahaan u xiray ineey ahaayeen basaasiin u shaqeynayso sirdoonka Israa’iil(Mosad) ayaan wax war ka soo saarin sii dayntooda ayagoo aan lagayn wax maxkamadda xuriyadana laga qaaday muddo dhn todobaad.ISHA WAKALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SOPHIA M NUUR GABAR WACDARO DHIGTAY.

Next
Next

NIN KU DHINTAY GAROONKA ISTAMBUUL KA DIB MARKII…