QORSHE DIB LAGA OGAADAY…

XAFLAD XUSUUS AH.

(USA)-Sida eey sheegeen masuuliyiinta gobolka Illinois ee dalkaasi Maraykanka maanta oo Arbaca ah,ninkii loo haystay inuu dilay 7-qofood maalintii loo dabaal degaayey madax banaanida dalkaasi Maraykanka 4/7/22-ka,ninkaan ayaa waxa uu roob rasaas uga dhigay dadkii dabaal degaaye isagoo saaran guri dushiis waxayna ahayd goob dad fara badan eey isugu soo bexeen waxa uuna ninka ka soo cararay gobolka Wisconsin ee dalkaasi Maraykanka halkaaso uga baaraad degaayey inuu ka gaysto toogasho kale una gaysto dadka u dabaal degaayo madax bananida dalkaasi Maraykanka.Ninkaan hubaysan ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay gobolka Illinois ee dalkaasi Maraykanka halkasoo ugu dambayntii lagu xiray,ka dib markii uu go’aansaday inuusan isu diyaarin inuu toogasho ka sameeyo gobolka Wisconsin,afhayeenka ciidamada laga dagaalo dembiyada hubka lagu galo Christopher Covelli ayaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

BOOLISKA GOBOLKA VIRGINIA EE MARAYKANKA OO…

Next
Next

ILHAN OO LAGU ORIYEY GUDAHA..