QARAXII UGU HOREEYEY SANNADKA-2022-KA.

WAR DEG-DEG AH:(1/1/2022)-KA,Wararka ka imaanaayo dalka soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo inuu qarax aad weyn uu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska Carwada Idko,warark ayaa sheegaayo in qaraxa ahaay baabuur nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo,baabuurka ayaa si xoog ah waxa uu ku soo dhaafay bar koontarool oo ku tiilay isgoyska Carwada Idko ee magaaladda Muqdisho.Taliyaha booliska ee degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir Shucayb oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in baabuurka qarxay eey ceyrsanaayeen ciidamadda booliska ee ku sugnaay barta koontarool,taliyaha ayaa sheegay in qarax uu ku dhintay wadahii weday baabuurka qarxay welina uu socdo baaritaan la xiriiro qarax dibna laga soo sheegi doono inta uu la eg yahay khasaaraha soo gaaray dadka shacabka kana ag dhawaay goobta uu ka dhacay qaraxa.Waane qaraxii ugu horeeyey ee dhaca sannadka 2022-ka ee maanta ah koow.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SWEDEN OO SIISAY DHALASHADEEDA SUURIYIIN BADAN.

Next
Next

IMAARAATKA OO XAYIRAAD KU SOO ROGAY MAWAADINIINTIISA.