QARAX KA DHACAY MUQDISHO IYO ISBTAALKA MARTINI OO GUBTAY.

(SAWIRKA)-BAABUURKA TALIYAHA UU BURBURKA SOO GAARAY.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Waqooyiga caasimadda laga maqlay jug aad culus balse markii dambe la ogaaday iney tahay Qarax Miino dhulka lagu Aasay. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano SII SII dhinaca xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan,Qaraxa ayaa lala eegtay Baabuur Cabdi Bile ah uu iska lahaay Taliyaha Booliska degmada C/casiis Zakariye Sheekh Dhegay balse uu watay Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada C/casiis Dhamme C/raxmaan Cali Raage waxaane la socday ilaaladiisa,Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay burbur soo gaaray baabuurkii iyo dhaawacyo fudud oo soo gaaray Dhamme C/raxmaan iyo ilaaladiisa kuwaaso hadda lagu daaweynaayo isbitaaladda magaaladda Muqdisho. Dhinaca kale,magaaladda Muqdisho waxa uu dab ka kacay Isbitaalka Martiin ee degmada Xamar Weyne gaar ahaan Qeybta ey degan yihiin askartii ku soo cuuryaantay dagaalkii 1977-dii,dabka ayaa baabi’iyey dhammaan wixii hanti yiilay dhismaha balse ma jirto cid wax ku noqotay dabka waa sida ey sheegeen hayadaha amniga caasimadda Muqdisho. Dadweynaha degan degmada Xamar Weyne iyo baabuurta deb demiska oo iskaashanayo ayaa ku guulaystay iney demiyaan dabkii ka kacay Isbitaalka Qadiimka ah ee MARTIINI.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

TURKIGA OO WEERARAY FARIISIMO…

Next
Next

KENYA OO SHEEGTAY INEY CIIDAMADEEDA LA BIXI DOONTO…