QARAX KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO.
(SAWIRKA)-BURBURKII UU GAYSTAY QARAXII SAAKAY KA DHACAY CEELASHA BIYAHA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in degaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho uu saakay waaberigii uu ka dhacay Qarax weyn oo loo adeegsaday Baabuur nuuciisu yahay Layla Calawi oo loo ekeysiiyey kuwa eysan xabadda karin ee loo yaqaan”Bulletproof”baabuurka ayaa lala beegsaday Xero ciidan ey wada deganaayeen ciidamo loogu talagalay iney amniga caasimadda ka ilaaliyaan banaanka magalada kana koobnaay NISA iyo Booliska Militeriga. Qaraxa saakay dhacay ayaa geystay qasaare naf iy maalba leh oo soo gaaray dad u badan shacab oo halkaasi deganay iyo askartii xerada deganeed,sida ey sheegeen hayadaha amniga DFS Qaraxa waxaa ku dhintay ilaa 7-askeri oo ka trsan ciidamadda DFS,sarkaalka ugu sareyey ee ku geeriyooday qaraxii saakay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Khayre oo ahaay Xidigle ka tirsan ciidamadda Xasilinta caasimadda ee Boliisiya Miletaare,aksarta ku dhaawacantay weerarkii saakay ayaa gaareysa ilaa shan waa sida laga soo xigtay ciidamadda xasilinta caasimadda,dhinaca shacabka waxaa la soo sheegay iney ku dhinteen qaraxii saakay ilaa laba ruux oo ey waxyaabihii ka soo faniinay qaraxa ey ugu tageen guryahooda.
ISHA/SB-MEDIA