QARAX KA DHACAY BELED WEYNE.

(SAWIRKA)-BURBURKII UU GAYSTAY QARAXII KA DHACAY B/WEYNE MAANTA.

(HIIRAAN)-Ma aha markii ugu horeysay uu ka dhaco Qarax loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxo caasimadda Gobolka Hiiraan ee B/weyne Dawlad Goboleedka H/shabeele,duhurnimadii maanta, weerar loo adeegsaday gaari siday waxyaabaha Qarxa waxa uu ka dhacay gudaha degmada B/weyne ee Gobolka Hiiraan saacadu markeey ahayd 1:00-dii duhurnimo,weerarkaan bahalnimada ah ayaa la soo sheegay iney ku naf waayeen dad gaarayo ilaa toba qofood eyna ku dhaawacmeed tiro intaasi ka badan kuwaaso shacab ah. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal gaariga siday Qaraxa ayaa lagu istaajiyey barkoontarool oo lagu canshuuro baabuurta sida xamuulka balse gaarigan siday qarax oo ahaay kuwa xamuulka ayaa isku qarxiyey goobtii lagu joojiyey.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ALSHABAAB LAGU DUQEEYEY GALMUDUG.

Next
Next

YAA KA MASUUL AH TARXIILKA GUTAALE?