QARAX IYO HOOBIYEYAAL LAGA MAQLAY MUQDISHO.
SAWIRKII UGU HOREEYEY EE LAGA HELAY QARAXII ISMIIDAAMINTA AHAAY EE KA DHACAY XERADA GEN.DHEGA-BADAN MUQDISHO.
(SOMALIA)-Qeybo ka mida magaaladda Muqdisho ayaa caawa waxaa laga maqlay jugta Qaraxyo iyo Hoobiyeyaal waxaane la soo sheegayaa ineey jiraan dhaawacyo iyo dhimasho,Qaraxa ugu horeeyey ayaa waxa uu ka dhacay Xeradda Tababarka CXDS ee Gen.Dhega-Badan horayne loogu yaqiinay Warshada Nac-Naca ee ku tiil degmada Wadajir ee G/Banaadir. Qaraxa ka dhacay Xeradda tababarka ee Gen.Dhega Badan ayaa waxaa fuliyey qof naftiis haliga ah iskuna soo xiray waxyabaha qarxa,qofkaan ayaa waxa uu dhexgalay dhallinyaradii ku sugneed goobtaas dabadeedna is-qarxiyey,dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi ayaa la geeyey isbitaaladda Muqdisho,xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaay ayaa sheegtay ineey ku dhinteen 15-qofood,dhinaca kale waxaa hoobiyeyaal laga soo tuuray degmada Dayniile ey ku soo dheceen agagaarka wadada Maka-Almukarama gaar ahaan buundada Waaberi waxaane ku dhaawacmay laba wiil oo caruur ah sida ey sheegeen hayadaha amniga. Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka NISA Gen.C/raxmaan Tuur-Yare oo xalay ka qeybgalay Madasha Warsidaha Garowe-Online uu ku qabtay bartiisa Twitter-Space ayuu Generaalku kaga hadlay halista ku soo fool leh magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waqtiyadda soo socdo isagoo ku sababeeyey in kooxda Alshabaab gaaray jab xun firxadne ey u yihiin magaaladda Muqdisho eeyna dhici karto ineey dhibaatooyin ka gaystaan,Generaalka ayaa talo ahaan hayadaha amniga waxa uu ugu soo jeediyey in la adkeeyo soo gelitaanka caasimadda Muqdisho lana badiyo baraha laga koonataroolo soo gelitaankeeda,waxa uu intaas ku daray Generaal Tuur-Yare in magaaladda caasimadda ah laga bilaabo in guryaha guri guri loo fetesho si loo soo helo kuwa ku dhuumanaayo iyo in dhammaan garaashayada ku yaalo Muqdisho laga qabto waardiyo joogta si aan halkaas loogu sameyn qaraxyo dadka lagu waxyeeleyo.
ISHA WARKA-SUUQ-BACAAD MEDIA(SOMALIA).