QARAX ISMIIDAMIN AH OO KA DHACAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-CAASIMADDA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah uu halkaasi ka dhacay qarax uu fuliyey qof sida la sheegay isku soo xiray waxyaabaha qarxo mana la sheegin khasaarihii uu gaystay qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho. Naftii haliga is qarxiyey ayaa waxa uu isku qarxiyey Maqaayad ku taalo isgoyska Sayidka oo xigta dhinaca degmada H/wadaag una dhaw Baar-bulsho,isla goobtaan ayaa ah halkii uu horay isugu miidaamiyey naftii haliga katirsan kooxda Alshabaab taariikhdu markey ahayd 29/10/23-ka,qaraxaas ayaa waxaa ku naf waayeey sida ey sheegeen hayadaha amaanka seddex qofood oo shacab ah iyo naftii haligihii is qarxiyey,arrimahaan ayaa ah kuwa ku soo badanaya caasimadda Muqdisho uu amnigeedu soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyey ka dib marki ey hayadaha amnaanka suurageliyeen inaan caasimadda banaanka laga soo gelin Baabuur sida waxyaabaha qarxa taas bedelkeedana ey kooxda Alshabaab doorbiday iney gudaha magaaladda ku soo diyaariso naftii halige galaafta nafta shacabka nabada u ooman. Dhinaca kale,kooxda Alshabaab ayaa waxa ey maanta soo dhigtay baraheeda Internet-ka ku leedahay waraysi ey ka duubeen shaqsigii weday gaarigii uu saarnay qaraxii lala beegsaday xerada ey iska leeyihiin ciidamadda Booliska Mileteriga ee ku taal Ceelasha biyaha duleedka caasimadda Muqdisho,Naftii haliga weday baabuurka ayaa Magaciisa ku sheegay in la yiraahdo Cali Axmed Xaaji,waxaane kooxda dhexdeeda looga yaqaan laba magac kalana ah(Mascuud) kooxda Jabhadaha dhexdeeda,kooxda Istish-haadiyadane waxaa looga yaqiin(C/Naasir),waxa uu sheegay inuu ka soo jeedo Qabiilka Garraha/Digil, waxaa kaloo uu sheegay inuu xaasle yahay dhawaane guursaday xaaskiisana ey u leedahay Uur,kooxdu ma eysan sheegin degaanka uu u dhalashay gaar ahaan degmada uu ka soo jeedo balse waxa uu noqon karaa nin ka soo jeedo Jubooyinka waayo waxa uu ku hadlaayey lahjadda Maay-da. Weerarkii lagu qaaday xerada Booliska Mileteriga ayaa waxaa ku dhintay sida laga soo xigtay hayadaha Amaanka ilaa 7-qofood oo isugu jira askar iyo shacab.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

LIX DEGMO OO CUSUB OO KA MID NOQDAY H/SHABEELE.

Next
Next

SHEEK UMAL OO U JAWAABAY RW-XAMSA.