LIX DEGMO OO CUSUB OO KA MID NOQDAY H/SHABEELE.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA H/SHABEELE.
(JAWHAR)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Dawlad Goboleedka H/shabeele ee Jawhar ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay shir ey isugu yimaadeen masuuliyiinta maamulkaas uu hogaaminaayey MW-Cali Guudlaawe,shirka ey yeesheen Golaha Wasiiradda H/shabeele ayaa looga hadlay Amniga iyo qorsheynta hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab,fatahaada Wabiga iyo arrimo oo la xiriiro horumarinta H/shabeele. Dawlad Goboleedka H/shabeele ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhisida golaha degaanka ee degmada Jawhar ee ah caasimadda G/shabeeladda dhexe,waxaane golaha Wasiiradda la horkeenay hindiso sharciyeed uu soo gudbiyeey Wasiirka Arrimaha gudha ee H/shabeel kuna saabsan ansixinta degaano soo buuxiyey shurudaha looga baahan yahay degmooyinka,golaha ayaa ansixiyey lix degmo oo cusub kuna kala biiri doono labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe, lixda degmo ayaa kala ah”Ceel-Baraf,Alkowsar,Ceel-Cali,Jawiil,Halgan iyo Jilyaale”. Gobolka Hiiraan ayaa nasiib u yeeshay seddexda degmo ee kala ah”Ceel-Cali,Jawiil iyo Halgan” halka Shabeeladda dhexe ey nasiin u heshay degmooyinka”Ceel-Baraf,AL-kowsar iyo Jilyaale”.
ISHA/SB-MEDIA.