QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY B/BURTE.

SAWIRKA BUUNDADA BUULA BURTE EE QARAXA LALA BEEGSADAY MAANTA.

(HIIRAAN)-Weli waxaa dalka si xawli ah uga socdo hawlgaladda looga soo horjeedo kooxda Alshabaab gaar ahaan hawlgalada ka socdo qaar ka mida maamul goboleedyada sida Galmudug,Hirshabeele iyo koonfur Galbeed Soomaaliya,goobaha uu ka socdo dagaalka ugu adag ee lagula jiro Ashabaab ayaa ah kan ka socdo maamulka H/Shabeele ee ka kooban Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe waxaane goobo aad u fara badan kana tirsan gobolka shabeeladda dhexe laga xureeyey kooxda Alshabaab sidoo kale gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga xureeyey goobo aad muhiim ugu ahaay kooxda Alshabaab. Hadaba kooxda Alshabaab oo ahdda u muuqato mid looga adkaaday dagaalka ka socdo H/shabeele ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey Qarax la beegsadeen Buundada Buula-Burte oo ah mid isku xirta goboladda Koonfureed ee Soomaaliya iyo goboladda waqooyi,qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari hoomeey ah ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxaane burbur u soo gaaray qeybta dhexe ee Buundada,weli lama soo sheegin inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxa balse waa midaan idinla wadaagi doonaa INSHAA ALAAH.

ISHA WARKA HIIRAAN ONLINE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DUQAYN ALSHABAAB LOOGU GAYSTAY JICIBOW.

Next
Next

MALAYSIYA OO QABATAY SHABAKAD SIRDOON.