QARAX EY KU DHINTEEN KUWII WEDAY.
(SAWIRKA)-PAKISTAN.
(QUETTA-PAKISTAN)-Mooto Laba lugooley ey saarnaayeen laba qofood oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin kooxaha Mintidiinta,wadeen Walxaha Qarxa ayaa ku ag qarxday saldhig Boolis Isniinta maanta ah,waxaane goobta ku geeriyooday labadii qofood ee la socotay Mootada Qaraxday,sidaas waxaa sheegay Booliska. Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano KILLA ABDULLAH oo 75-kiiloomitir Waqooyi kaga beegan magaaladda Quetta ee Xarunta Gobolka Balochistan. Ghulam Rasool oo ah sarkaal ka tirsan booliska degaanka ayaa sheegay in ragaan ey ku sugnaayeen meel u dhaw saldhiga booliska ee Mezai markii uu Qaraxu dhacaayey. Sarkaalka Booliska ah ayaa sheegay in ciidamadu ey weli wadaan baaritaano ey ku ogaanayaan in labada qof midkood uu isku soo xiray walxaha qarxa dabadeedna lala beegsaday saldhiga,taliye Rasool ayaan bixinin wax faahfaahin ah.
ISHA-AP