QARAMADA MIDOOBE OO KA HADASHAY MUHAAJIRIINTA.

(ROOMA):Indhaha adduun ayaa waxaa soo jiitay doontii ku degtay biyaha u dhexeeyo dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska,doontaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa sodon qofood oo muhaajiriin ah dadka ka badbaaday doontaas degtay ayaa waxaa ka mid ah qof u dhalatay dalka Soomaaliya.Sida eey sheegtay qaramadda midoobe ku dhawaada kun iyo lix boqol(1,600)-qofood ayaa ku dhintay amaba lagu la’ayahay badda Miditereeniyaanka tasoo ah iridda ugu weyn ee laga galo qaaradda Yurub,muhaajiriinta ayaa isku dayo ayagoo kaashanaayo kuwa sida sharci darada ah dadka musaafuriyo ineey gaaraan qaaradda Yurub laakinse dhimashada ayaa ka badan midii sannad ka hor la diiwaan geliyey.Hayadda qaramadda midoobe u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayaa sheegtay ineey badda ku dhinteen dad gaaraayo seddex iyo labaatan kun(23,000)-qofood sannadkii 2014-kii,dadkaas ku dhintay badda ayaa isku dayaayey sidii uga gudbi lahayeen badda Miditereeniyaanka ayagoo saaran doomo ka sameeysan alwaax iyo bambiiro.ISha AP

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MAXAKAMADDA ICC-DA OO KU DHEGAN GARYAQAAN REER KENYA AH.

Next
Next

SWEDEN OO YEELATAY RAYSAL WASAARE DUMAR AH MUDDO KOOBAN.