QAARADDA AFRIKA IYO SANNADKII 2023-KA.

(SAWIRKA)-ASKARTII AFGEMBISAY MADAXWEYNE BAZOUM.

(JOHANNESBURG)-Waxaa maanta oo Axad ah ku eg sannadka 2023-ka waxaane Qaaradda Afrika ka dhacay waxyaabo fara badan sida Hogaamiyeyaal la Afgembiyey xukunkana laga tuuray sida dalalka Naayjar iyo Gaaboon halka dalka Kenya dad loogu dilay Gaajo ayagoo loogu sheegay iney tahay Cibaado iyo rabshado kale,waxaa kaloo Qaaradda Afrika ka dhacay Musiibooyin Dabiici ah kuwaaso galaaftay nolosha dad badan kuna sugan Qaaradda Afrika. Afgembiyadda,Musiibooyinka Dabiiciga ah Argagixisada iyo dagaaladda sokeeye ayaa calaamad u ahaay cinwaanadda wararka laga soo tebiyey Qaaradda Afrika sannadka 2023-ka. Bishii Luuliyo 26-keedii,dalka Naayjar saraakiil ciidan oo uu hogaaminaayo Gen.C/raxman Tchiani oo ahaay taliyihii hore ee ilaalada Madaxtooyada ayaa sameeyey Afgembi xukunkii looga tuuray Madaxweyne Maxamed Bazoum,Mileteriga sameeyey Afgembiga ayaa haystay Bazoum iyo Qoyskiisa in kastoo baaqyo caalami ah la gaarsiiyey kuwa sameeyey afgembiga si ey u sii daayaan Bazoum iyo qoyskiisa hadane waa ey ka dhega adeygeen baaqyadaasi. Bishii Disembar-2023-ka,Maxkamad ka tirsan Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika(ECOWAS) ayaa ku baaqday in si deg deg ah shuruud la’aan ah loo sii daayo Bazoum isaga oo ah Madaxweyne.

ISHA/AA.

HALKANKA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-DENI OO PUNTLAND U JIHEYEY DAGAAL.

Next
Next

PUNTLAND MAKA BADBAADI DOONTAA DAGAAL KALE?