PUNTLAND OO TACADI U GEYSATAY QAXOOTIGA YEMAN
(SAWIRKA)-QORAALKII KA SOO BAXAY WASIIR JUXA.
(GARAWE-PL)-Wararka aan ka heleyno caasimadda DG Puntland ayaa sheegaayo in dagaaladda Puntland ee ka dhanka ah Argagixisada Caalamiga ah ee Alshabaab iyo Daacish ey Tooshka ku ifisay Qaxootiga ku nool degaanadda Puntland. Qaxootiga ku sugan degaanadda Puntland ayaa lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 10-ku ilaa 20-kun Qofood oo Qaxooti ah una baahan Daryeel,Badbaado iyo Ilaalinta Xuquuqdooda Aasaasiga ah. Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DG Puntland Cabdi Faarax Juxa maalmo ka hor ayuu ku sheegay in dadka soo gelootiga ah kuna sugan degaanadda Puntland Qaarkood ey yihiin kuwa qeyb ka ah Amni darrada DG Puntland, dadka uu sheegaayo Wasiir Juxa ayaa ah kuwa u diiwaan gashan Hayadaha Caalamiga ah ee dooda Xuquuqda dadka kasoo barakacay dalkoodii hooyo,waxaase lagama maarmaan ah in la xusuusto in Qaxootiga Caalamka ey leeyihiin Xuquuq lama taabtaan ah kuna cad qawaaniinta Caalamiga ah,gaar ahaan heshiiskii Geneva 1952-kii kaaso loogu talagalay dadka Qaxootiga ah. Marka loo soo laabto DG Puntland waxaa ku soo jabay soona buux dhaafiyey Qaxooti kasoo cararay dagaaalka dalka Yeman,kuwaaso intooda badan ku sugan magaaladda Boosaaso ee hadda ey ka taagan tahay xiisad culus oo ah in la beegsado dadka u diiwaan gashan Hayadda Qaxootiga Caalamiga ah ee UNHCR kuwaaso maanta la arkaayey iyagoo lagu guraayo Baabuurka Shabaqlaha ah magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso. Arrinkaan ayaa u baahan iney u istaagaan kana hadlaan Hayadaha Caalamiga ah sida “WFP, UNDP, UNHCR, EU, AU” iyo Wasaaradda Arrimaha Gudahaee XFS.
ISHA-SB-MEDIA.