MW-RUTO OO KU BAAQAY SHIR DEG DEG AH,SABABTA?

(SAWIRKA)CIIDAMADDA AMAANKA DRC.

(NAIROBI-KE)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ahne Gudoomiyaha Xilligaan ee Ururka Bulshada Bariga Afrika EAC ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlaayo dagaalka sii xoogeysanaayo ee ka socdo Bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo. “Anigoo arkaya dhibaatooyinka Bani’adanimo ee sii xumaanaya oo ey ugu sii darayaan falalka Mileteri ee socda,oo ey ku jiraan xiritaanka hawada ee magaaladda Goma,waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka” ayuu Hogaamiyaha dalka Kenya William Ruto ku yiri hadal uu soo saaray Axadii shalay ahayd. “Markii aan la tashaday Madaxda Dawlad Goboleedyadda,xaaladan adag,waxaan qaban doonaa shir aan caadi ahayn oo EAC ah 48-saac ee soo socoto si aan uga tashano dhibaatadan,isla markaasne la dejiyo qaabkii loo maareyn lahaa. Tani waxay waafaqsan tahay Go’aankii shir Madaxeedka EAC ee Noofembar-2024kii kaaso ku baaqayey ka qeybgalka wax ku oolka ah si wax looga qabto isku dhaca. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha dalka Jamhuuriyaddda Dimuqaraadiga Koongo Md.Tsishekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Kagame oo labaduba ii xaqiijiyeen iney ka qeybgelaayaan shirkan”. Talaabadda uu qaaday Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ku soo aadeysa iyadoo kooxda falaagada ah ee Koongo M23 ey sheeganeyso qabsashada magaaladda GOMA ee xarunta Waqooyiga Kivu,taaso dhalisay iney halkaasi ka barakacaan dad fara badan oo rayid ah.

ISHA-DAILY NATION-KE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

PUNTLAND OO TACADI U GEYSATAY QAXOOTIGA YEMAN

Next
Next

QORSHAHA HANTI-DHAWRKA QARANKA 2025.