PUNTLAND OO GACANTA KU DHIGTAY QALAB LOO WEDAY…

(SAWIRKA)-QALABKII LOO WEDAY ARAGAGIXISADDA EE LAGU QABTAY GARAWE.

(GARAWE)-Wararka imaanayo caasimadda Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in ciidamadda booliska Puntland gaar ahaan kuwa Qeybta Gobolka Nugaal ee ku sugan Koontaroolka Galbeed ey qabteen qalab loo weday kooxaha Argagixisada iyo dadkii weday. Ciidamadda ayaa gacanta ku dhigay Qalabka iyo dadkii weday oo gaaraayo ilaa shan qofood afar rag ah iyo hal dumar ah,dadkaan ayaa la sheegay in hayadaha amaanka Puntland iney la socdeen dhaqdhaqaaqooda la xiriira iney la shaqeystaan kooxaha Argagixisadda. Qalabka la qabtay ayaa u badnaay kuwa loo adeegsado sameynta waxyaabaha Qarxa iyo kuwa laga hago jihooyinka,si kastaba ha ahaatee Puntland ayaa dagaal adag oo arxan la’aan ah waxa ey kula jirtaa kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Dhinaca kale,Xaafadda Horseed ee magaaladda Garawe ayaa waxaa laga helay meydka Gabar dhallinyara ah taaso korkeeda uu ka muuqday dhaawacyo fara badan loona maleynaayo iney dhawwacyadaas u geeriyootay,sida ey sheegeen hayadaha amniga Garawe gabarta ayaa ka timid magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari waxa eyna asal ahaan ka soo jeedaa ayaa la yiri magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Sanaag,dilka gebertaan yar ayaa waxaa u xiran dadkii ey la joogtay markeey ku sugneed Boosaaso.

ISHA/PP.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

ODAYAASHA DHAQANKA MUQDISHO OO KA HORYIMID FARMAAJO.

Next
Next

MAXAA KALA QABSADAY SHARIIF IYO FARMAJO?