ODAYAASHA DHAQANKA MUQDISHO OO KA HORYIMID FARMAAJO.

(SAWIRKA)-EX-MW-FARMAJO.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dheceen kulano looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka uu hadda ka bilaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa hor boodaayey Oadayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye waxa eyna odaayaashu ku goodiyeen in Farmaajo eysan ka ogolaan doonin inuu siyaasadda ku dulmiyo beelaha Hawiye,odayaasha ayaa fariin adag waxa ey direen Madaxweynihii hore Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed saaxib dhawne la ah Farmaajo waxa eyn Shariifka si cad ugu sheegeen iney Farmaajo u yaqaaniin inuu yahay Nin Dembiile ah,Waa maxay sababta ey ugu yaqaaniin dembiile MW-Farmajo? Wax yar aan dib ugu laabano waqtigii Farmajo. MW-Farmaajo waxaa la doortay 8/2/2017-kii waxa uuna tartanka kaga guuleystay MW-Xasan Sheekh Maxamuud,sideed bilood ka dib doorashadiisa kuna beegneed 14/10/20217-kii waxa uu Qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho mana jirto cid dhacdadaasi loo soo xiray, 22/12/2018-kii waxaa Qarax lagu dilay Wariye Cawil Daahir Salaad mana jirto cid loo soo taagay maxkamad, 24/7/2019-kii waxa uu Qarax aad u xoogan lana soo qorsheeyey uu ka dhacay Hoolkii ey ku shiraayeen Masuuliyiinta G/banaadir waxaane ku dhintay kuna dhaawacmay masuuliyiin uu ugu horeeyo Gudoomiyihii G/banaadir Eng.Yariisaw, 28/12/2029-kii waxa uu Qarax xoogan ka dhacay EX-kontarool Afgooye waxaane ku hoobtay dad fara badan oo shacab ah,ogow dhammaan Qaraxyadaas waxaa sheegnaayey Kooxda Alshabaab,hadaba dadka reer Muqdisho ey ugu horeeyaan Odayaash Dhaqanka xaq miyeysan u lahayn iney dacwad ku soo oogaan EX-MW-Farmaajo?

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

ALSHABAAB KU HOOBTAY DAGAAL KA DHACAY JAMAAME.

Next
Next

PUNTLAND OO GACANTA KU DHIGTAY QALAB LOO WEDAY…