PUNTLAND OO DHACDAY HANTI DADWEYNE.

(SAWIRKA) AVV.GUUTAALE.

(SOMALIA)-Hanti dhawraha Qaranka Avv.Axmed Guutaale oo magaaladda Muqdisho maanta kula hadlay warbaahinta ayaa daaha ka qaaday arrin cusub oo aan horay loo ogayn kuna saabsan dhul ey leeyihiin Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyed kuna yiilay Gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo la iibsaday, sida uu sheegay Hanti Dhawrka Qaranka Avv.Guutaale xerooyinka ciidan ee kala ah Sinaay iyo Kabidda ee ku wada yiilay Mudug ayaa waxaa iibsaday maamulka Puntland waxaane maamulka puntland ka soo gashay dhaqaale dhan 20-milyan oo doolarka Maryakanka mana lagu soo celin gacanta DFS bacdamaa ey tahay Hanti dadweyne. Lacagtii laga soo helay Hantida dadweyne ayaa waxaa lagu maalgeliyey dekeda Garacad ee la sheegay ineey maal gashadeen dadweyne Soomaaliyeed.

ISHA/ALLBANADIR.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XIL WAREEJIN KA DHACDAY MADAXTOOYADA SOMALIA.

Next
Next

TALIYAHA TALISKA DHEXE EE CIIDAMADA MARAYKANKA OO BOOQDAY…