PUNTLAND OO CANSHUUR CUSUB KU SOO ROGTAY…

(SAWIRKA)-BOOYADAHA SHIDAALKA PUNTLAND.

(GARAWE-PL)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Ganacsatada Gaadiidka Booyadaha Shidaalka qaada ee isaga kala goosha Gobolada Puntland iyo degaanadda kale ee Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay cabashoo ey ka qabaan Canshuur kordhin uu ku soo rogay maamulka Puntland. Ganacsatada ayaa ku andacoonayaa in Canshuurta cusub ey culeys weyn ku keeneyso Ganacsigooda,taaso sababtay in qaar badan oo ka mid ah gaadiid qaada shidaalka ey shaqadoodii hakad geliyeen. Maxamed Siciid Cismaan oo ka mid ah Ganacsatada Shidaalka ayaa sheegay in talaabadda ey qaaday Puntland ey tahay mid aan sharci ahayn isla markaasne eysan marnaba aqbali doonin. Maxamed Siciid Cismaan ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inuu dib uga fiirsado go’aankan si looga fogaado khilaaf iyo carqalad ku timaada Ganacsiga Shidaalka ee Goboladda Puntland. Ganacsatada ayaa sidoo kale ka digay saameynta dhaqaale iyo bulsho ee ka dhallan karta hakadka shaqada,iyagoo xusay in gaadiidka booyadaha uu yahay lafdhabarka gaarsiinta shidaalka ee Goboladda Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale. Ganacsatada ayaa dalbatay in wada hadal rasmi ah lagu xalliyo arrintaan si lo ilaaliyo ayey yiraahdeen danaha dhamman dhinacyada ku lug leh. Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin Cabashada Ganacsatada inkastoo talaabadaan ey keentay in si weyn looga hadal haayo degaanadda Puntland.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

(B/WEYNE)-AAS QARAN OO LOO SAMEEYEY ASKARTI LAGU DILAY CEEL BARAF.

Next
Next

EL-SISI IYO MUSEVENI OO KA HADLAY AUSSOM.