(B/WEYNE)-AAS QARAN OO LOO SAMEEYEY ASKARTI LAGU DILAY CEEL BARAF.

(SAWIRKA)-AASKA ASKARTII LAGU DILAY CEELBARAF.

(B/WENE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beled-Weyne ayaa sheeegaayo in maanta halkaasi lagu aasay loona sameeyey aas Qaran askartii lagu dilay degaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeeladda dhexe. Askartaan la dilay ayaa ka wada tirsanaay Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwooda ka hawlgala G/shabeeladda dhexe,waxaane dilay sida la sheegay rag hubeysan oo u baabulan qaab qabiil kuwaaso u galay wadad isku xirta Goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee maamulka H/shabeele. Arrintaan ayaa baraha bulshada waxa ey ka dhalisay kacdoon qabiil oo aad u xamaasadeysan una dhexeeyo beelaha ey ka soo kala jeedaan Askarta la dilay iyo kuwa wax dilay,waxaane markii dambe dhacday in DFS ey war ka soo saarto baraha bulshada iyo waxa ka socdo,taaso markii dambe yareysay kacdoonkii jiray. In la soo afjaro dhibkii dhacay lana aaso askartii la laayey ayaa waxaa door muuqda ku lahaay Odayaal Dahqameedka beelaha Mudulood iyo Xawaadle,sidoo kalane waxaa door siyaasadeed ku lahaay Wasiirka Cusub ee Batroolka iyo Macdanta ee XFS Md.Daahir iyo Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe. Aaska Qaran ee askarta loo sameeyey maanta oo Axad ah ayaa waxaa ka qeybgalay Odayaal dhaqamed,Saraakiil Ciidan uu ugu sareeyo Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Md.Odawaa Yusuf Raage,Wasiiro Xildhibaano ka kala tirsan labada aqal ee BJFS iyo dad fara badan oo shacab ah kuwaaso gaarayey ilaa kumanaan qofood. In maamulka H/shabeele uu ku guul dareysto inuu wax ka qaban kari waayo dagaaladda Qabaa’ilka ee ka dhaca degaanadiisa saw uma aha sumcad xumi keeni karta inuusan mar kale damac ka soo gelin Hogaanka Maamulka H/shabeele?

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMALILAND OO KA HADASHAY HESHIISKII EY ITO..

Next
Next

PUNTLAND OO CANSHUUR CUSUB KU SOO ROGTAY…