PUNTLAND MA BURBUR MASE DOORASHO?
(SAWIRKA)-MUSHARAX MADAXWEYNE XASAN SHIRE ABGAAL.
(GARAWE)-Wararka ka imanayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka taagan tahay xiisad siyaasadeed una dhexeyso maaulka uu hogaamiyo MW-Deni iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah. Xasan Shire Abgaal oo ka mida Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu digniin adaga u diray Isimadda Puntland waxa uuna uga digay ineysan doorsahada Puntland dhaafi karin 8/1/24-ka. Maxamed C/raxmaan Faroole oo isagana ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa isagan fariin adag waxa uu u diray MW-Deni waxa uuna u sheegay inuu iska iloobo wax la yiraahdo ku darsi laba sano ah una soo diyaagaroobo doorasho xor iyo Xalaal ah kana dhacda Puntland.
ISHA/CAASIMADDA.