PUNTLAND DAGAAL MASE DOORASHO?
(SAWIRKA)-MUCAARADKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Maalmihii la soo dhaafay ayaa shir waxa uu uga socday caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe siyaasiyiinta Mucaardka ku ah maamuka uu hogaamiyo Siciid C/lahi Deni,shirka ayaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban Sideed Qodob,Mucaaradka ayaa si cad uga horyimid Muddo kororsi iyo in wax laga bedelo dastuurka Puntland. Mucaaradka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland si ey doortaan Madaxweynaha cusub ey yeelanayso Puntland marka laga bilaabo 8/1/24-ka,dhinaca kale MW-Deni ayaa waxa uu magacaabay Wasiir cusub oo dhinaca amniga si uu uga hortago damaca Mucaaradka Deni ee ah ineey isticmaalaan xoog haddii loo baahdo.
ISHA/CAASIMADDA.