GUDI CUSUB OO LOO MAGACAABAY ARRIMAHA XAJKA.
(SAWIRKA)-WASIIRKA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA DIINTA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Md.Sheekh Mukhtaar Roobow uu soo saaray wareegto uu ku magacaabaayo gudigi u xilsaaran arrimaha Xajka ee sannadka 1445/2024-ka,Wareegta ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa lagu magacaabay Gudi ka kooban sagaal qofood ey ka mid yihiin qaar ku jiray gudigii hore ee arrimaha Xajka,gudiga ayaa gudoomiye looga dhigay Maxamed Xaaji Ibraahim Cali waxaane gudomiye ku xigeen looga dhigaya C/nuur Macallin Maxamed,Xoghayaha gudiga ayaa loo magacaabay Ibraahim Roobaw Cali oo la dhashay Wasiir Mukhtaar Roobaw Cali.
ISHA/HIIRAAN.