PUNTLAND: AFDUUBKU WAA MASHRUUC DHAQ…
(SAWIRKA)-BURCAD BADEED SOOMALIYEED.
(PUNTLAND)-Wararka laga helaayo degaanadda Puntland ayaa sheegaayo in Xeebaha degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaayo in halkaasi laga afduubay Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen. Ilo Wareedyo Amni ayaa tilmaamay in dableey hubeysan oo ka soo jeedo degmada Eyl ey Xeebaha Degmadaasi ka qafaasheen Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Wadanka Yeman taaso Shati Kalluumeysi ka haysato Dawlad Goboleedka Puntland. Weli Warbixin dhammaystiran lagama haayo Afduubka Doontaasi laga leeyahay dalka Yeman, waxaane weli iyaguna ka hadlin wakiiladda u dhashay Puntland ee doontaasi masuulka ka ah inta ey ku sugan tahay biyaha DG Puntland,Waxaane la xaqiijiyey in Doonta Yeman lagu afduubay biyaha Puntland. Tan iyo markii uu bilawday khilaafka u dhexeeyo DFS iyo DG Puntland waxaa hakad galay kaalmadii dhaqaale ey DG Puntland ka heleysay DFS waxaane arrintaan ka dhashay dhaqaale xumi soo food saartay DG Puntland,waxaane dhacday in Ciidamadda Dawaariishta DG Puntland eysan qaadan wax Mushaar ah in ka badan lix bilood. Xeebaha Puntland waxaa sannadkii 2024-kii si isdaba joog ah uga dhacaayey Afduubyo loo geysanaayo Maraakiibta iyo Doomaha maraayo biyaha Caalamiga ah,tusaale ahaan Marakbkii MV Abdalla oo laga qaatay lacag Madax Furasha ah oo gaareyso ilaa shan Milyan oo doolar,halka Doon laga leeyahay Shiinaha kana diiwaan gashan DG Puntland laga qaatay lacag Madax furasha ah oo gaareyso ilaa 3-kun oo Doolarka Maraykanka ah ama hal Milyan sida loo soo sheegay. DG Puntland oo hadda dagaal adag kula jirta kooxda Daacish ayaa wajahaysa dhaqaale xumi iyo daryeel la’aan haysata askarta ku soo dhaawacanta furimaha dagaalka,warar ayaana sheegaayo in dhaawacyadu ey yaalaan banaanka Isbitaalka Bosaaso halkaasne waalidiintooda ey dul taagan yihiin iyagoo aan haysan wax daryeel caafimaad ah loona diiday in loo qaado Muqdisho si halkaasi loogu fidiyo daryeel buuxa oo caafimaad. Arrinta kale ee ayadana jirta ayaa ah in askeriga ka tirsan ciidamadda Puntland uusan u diiwaan gashaneyn DFS sidaas darteedna uusan heleyn wax xuquuq ah ka dib marka uu geeriyoodo waane arrin u baahan in loo helo xal waara si loo ilaaliyo xuquuqda Mawaadiniintaas Soomaaliyeed ee u dhintay difaaca dalkiisa.
ISHA-WAKAALADO.