MW-XASAN SHEEKH OO BOOQDAY DHAAWICII…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO BOOQDAY DHAWACII HIIRAAN.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahne Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyadda Ciidamadda Qaranka iyo kuwa halyeyada xaq u dirirka ah ee Macaawiisleyda ee ku jira Isbitaaladda Xooga dalka iyo qaar ka mid ah Isbitaaladda magaaladda Muqdisho. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadda Ciidanka oo ey xaaladooda caafimaad ey soo hagaageyso,waxa uuna u xaqiijiyey in DFS ey ku bixin doonto dadaal kasta sidii ey u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “ Dawladiinu waxa ey idiin ballan qaadeysaa iney bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanaayo caafimaadkiina. Waxaad tihiin halyeyo abaal gashanaayo dadkooda iyo dalkooda,waxaadne ku taagan tihiin wadada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadineysaan”. Dhanka kale,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kormeeray hanaanka sahqo,agabka iyo adeegyadda uu bixiyo Isbitaalka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,isagoo warbixin ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas.Odawaa Yusuf Raage, Hogaanka Caafimaadka ee CXDS iyo Agaasinka Isbitaalka Xooga oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeegyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

PUNTLAND: AFDUUBKU WAA MASHRUUC DHAQ…

Next
Next

TALYAANIGA OO DIB U HABEYN XASRI AH KU SAMEEYEY SNTV.