Samafalayaal lagu weeraray dalka K/suudan.
Sida uu qoray wargayska Daily Nation mid ka mida shaqaalaha samafalka ayaa lagu dilay waxaane lagu dhaawacay seddex kale ka dib markii koox aan la garaneyn ahne bucad ka qaraabatada wabiga Nile eey weerareen koox u shaqeysa hayadda cuntada adduunka WFP kuwaasoo maraayey meel u dhaw Shambe waqooyigeeda,sidaas waxaa sheegay shaqaalaha Un-ka kana hawgala dalka K/suudaan.
Agaasimaha hayadda cuntada adduunka WFP ee dalka K/suudaan Mathew ayaa sheegay shaqaalaha lagu weeraray wabiga Nile eey wadeen cunto kaalma ah oo laga soo qaaday magaaladda Bor ee degaanka Jonglei waxaane loo weday Melut iyo Malakal ee Nile-ka sare marka uu dhacaayey weerarka.