DHAWR IYO TOBAN JIR INGIRIIS AH OO LA HELAY.
Waa sideed iyo toban jir ingiriis ah oo laga waayey magaaladda London lix sano ka hor ayaa hadda laga helay xero ku taalo dalka Suuriyaoo lagu haayo xaasaska dagaalyahanadda Daacish sida uu qoray wargayska SUNDAY TIMES.
Nasra Abukar waa sideed iyo toban jir ka safartay gurigeeda oo ku yaalo LEWISHAM ee dhacda koonfur-bari magaaladda London ee dalka boqortooyadda ingiriiska,Nasra ayaa u safartay dalka Suuriya sannadkii 2014-kii,raadinta Nasra waxa eey noqotay mid baahsan ahne dhuxul dab ah. Sida uu xusay wargayska SUNDAY TIMES Nasra Abukar ayaa ah mid lagu qalqaaliyey ineey u safarto dalkaas Suuriya kuna biirto kooxda Daacish waxa eeyna ugu dambayntiina Nasra guursatay dagaalyahan katirsan kooxda Daacish oo isagana ka tegay dalka Ingiriiska waxa eeyna Nasra dagaalyahankaasi Daacish u dhashay laba wiil oo la kala yiraahdo Faaris iyo Dalxa. Faaris waa la dilay oo waxa uu ku dhintay weerar dhinac cirka ah oo eey qaadeen ciidamadda isbahaysiga laakinse Dalxa oo seddex jir ah ayaa hooyadiis Nasra kula nool xeradda Al Hawl ee lagu haayo dadka nolosha lagu qabto kana tirsan Daacish waxa eeyna xeradda Al Hawl ku taalaa waqooyi-bari dalka Suuriya.
Ninka eey Nasra Abukar caruurta u dhashay ee la yiraahdo Asiil Muthana ayaa maxbuus ku ah dhulka eey maamulaan kurdiyiinta gobolka ROJAVA mase la oga halka lagu haayo meesha eey tahay. Wakiil wareedyadda ayaa Nasra ugu deeqay waxoogaay lacag ah si eey u masruufato waqtigii eey ku sugnaayeen dalka Suuriya laguna guda jiray waraysigii uu wargayska SUNDAY MIRROR uu la yeeshay ninka eey Nasra caruurta u dhashay ee la yiraahdo Asiil Muthana oo eey qorteen kooxda Daacish si uu uga barbar dagaalamo todobaadkii tegay. Waraysiga uu bixiyey Muthana ayuu ku sheegay inuu si qarsoodi ah u guursaday geber Ingiriis ah kana tirsan kooxda Daacish una dhashay wiil uuna doonaayo inuu la midoobo xaaskiisa Nasra Abukar.
XIGASHO MEMO.