NORWAY OO XUKUN KU RIDAY GABDHO WALAALA AH.
(SAWIRKA)-LABA GABDHOOD OO WALAALA AH.
(OSLO-NORWAY)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa sheegaayo in Maxkamad ku taalo dalka Norway ey maalintii shalay oo Jimca ahayd xabsi ku xukuntay laba gabdhood oo walaala ah kuwaaso lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin kooxda Daacish,ka dib markii ey si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suriya iyagoo dhallinyara sannadkii 2013-kii. Labada gabdhood ee walaalaha hadda da’adoodu waa 27-jir iyo 31-jir,waxaane lagu helay iney xubno ka yihiin Ururka Daacish/ISIS oo lagu daray liiska kooxaha Argagixisada dalka Norway iyo wdaamadda reer Galbeedka. Gabdhaha walaalaha ah mida weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah,halka walasheed ka yar lagu xukumay laba sano oo xarig ah,iyadoo mid ka mid ah sannadaasi la hakiyey,xukunadaan ayaa ah kuwa waafaqsan wixii ey xeer ilaalintu codsatay. “Maxkamdu waxay ogaatay in si aan shaki ku jirin loo cadeeyey in labada eedeysane ey ka tirsan yihiin ISIS,inta haweenku awoodeen ayaa ahayd iney Xaasas u noqdaan raga dagaalamaayo iyo iney guriga joogaan”ayey tiri Maxkamada degmada Oslo. Gabdhaha walaalaha ah ee haysta dhalashada dalka Norway ayaa asala ahaan waxa ey ka soo jeedaan dalka Soomaaliya ayaa lagu waayey wax dembi ah iyagoo ku adkeystay in lagu qasbay iney ku biiraan kooxdaan eyna sii joogaan dalka Suriya. Waxay si qarsoodi ah dalka Norway uga carareen sannadkii 2013-kii,da’adooduna waxa ey kala ahayd 16-jir iyo 19-jir sidaey ku shaaraxeeb Email-ka ey uga qeyb qaateen dagaalka ka dhanka ah nidaamnka Bashaar AL-Asad. Markii ey gaareen dalka Suriya,waxa ey guursadeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Daacish/ISIS,gabdhaha mida weyn waxa ey dhashay laba gabdhood,mida yarne waxa ey dhashay hal geber. Dalka Norway ayaa gabdhahaan walaalaha ah waxa uu dib ugu soo celiyey Norway taariikhdu markeey ahayd Maarso/2023-kii,iyagoo sabab uga dhigay daryeelka caruurtooda oo hooyooyinkood lagu haayey Xeradda ROJ ey maamulaan Kurdiyiinta,xeradaas ayaa lagu hayaa maxaabiista Jihaad doonka ah,waxa eyna ku taalaa Waqooyi-Bari dalka Suriya. Norway,aqoonsiga eedeysanaha ayaa si dhif ah loogu shaaciya fagaaraha ilaa xukunka la xaqiijiyo iyadoo aan wax racfaan la qaadan.
ISHA-IKD