ALSHABAAB OO LAGU JEBIYEY WEERARKII…

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA WASAARADG/DHIGA XFS.

(GALGADUUD)-Wararka laga helaayo degaanka Mesegawaa ee degmada Ceeldheer ayaa sheegaayo in kooxda ALshabaab ey soo weerartay fariisimadda Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan. Afahyeenka Wasaaradda G/dhiga ee XFS Abuukar Macallin Maxamud ayaa faahfaain dheeraad ah ka bixiyey weerarkii saakay ka dhacay degaanka Mesegawaa iyo hawlgalo kale oo ka dhacay degaano kale oo dalka ka mid ah. Afhayeenka ayaa ugu horeyntii faafaahin ka bixiyey weerarkii Alshabaab ku qaadeen degaanka Mesegawaa,waxa uuna sheegay in Ciidamadda Xooga dalka iyo kuwa degaanka iney fashiliyeen oo ey ka hortageen weerar qaraxyo ku bilawday oo Alshabaab ku qaaaday gudaha degaanka Mesegawaa. “Ciidamadda Amniga iyo kuwa degaanka oo ka war qabay dhagarta kooxda ALshabaab ayaa fashiliyey weerarkii cadawga uu la rabay inuu ku dhibaateeyo shacabka magaaladda Mesegawaa”ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda G/dhiga XFS. Afahyeenka ayaan sheegin inta uu la eg yahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac balse waxa uu guulo waa weyn ka sheegay hawlgallo ka dhacay dalka intiisa kale.

ISHA-HO.

Previous
Previous

NORWAY OO XUKUN KU RIDAY GABDHO WALAALA AH.

Next
Next

PUNTLAND OO SOO BANDHUGTAY AGABKII…