NISA WAA ALSHABAAB.
Waxaan wax badan ka hadalnay inuu jiro xiriir ka dhexeeyo hayadda aan sharciga ku dhisnayn ee NISA iyo Alshabaab,dhacdooyin badan eey sheegteen Alshabaab balse eeysan ayagu lug ku lahayn ayaa lagu khaarijiyey dad fara badan,tusaale ahaan 22/12/2018-kii waxaa qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka ee magaaladda Muqdisho ku geeriyooday AUN-Wariye Cawil Daahir Salaad,qaraxaas waxaa sheegtay kooxda Alshabaab,24/7/2019-kii waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee dawladda hoose xamar,qaraxaas ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaay AUN-Eng.Yariisaw oo ahaay Gudoomiyihii gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqii caasimadda Muqdisho,qaraxana waxaa sheegtay kooxda Alshabaab. Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaay kan eey ka dhasheen su’aalo fara badan oo aan ilaa hadda loo helin wax jawaabo ah,su’aasha ugu culus ayaa ahayd sidee ayuu qofka ismiidaamiyey ku soo galay xarunta uguna suuragashay inuu gaaro hoolkii shirarka haddii aaneey jirin masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo wax la ogaay ismiidaamiyaha,waa maxay sababta eey hoolka shirarka uga maqnaayeen gudoomiye ku xigeenada gobolka banaadir sida kan amniga Tuulax,Maaliyadda Ibraahim Dheere,Arrimaha Bulshada Basma iyo kan hawlaha guud Fiidaw ee waqtigaas,xaqiiqada jirta ayaa ah in masuuliyiintaan yihiin kuwa ka soo shaqeeyey waxna ka ogaay qorshaha khaarijinta AUN-Eng.Yariisaw,tan kale una baahan in la xuso ayaa ah kaameradii ku xirneed hoolka dhammantood waa la fujiyey waxaane la geeyey xafiiska R/W-raha waana la nadiifiyey hookii ka hor inta eeysan imaan hayadaha wax baara taasoo loola jeedo inaa la helin wax raada. Hadaba maanta oo ah Arbaco kuna beegan 8/7/2020-ka ayaan waxaan fiirsaday video ka hadlaayo isku milanka hayadda NISA iyo kooxda Alshabaab,video-ga waxa uu sharaxaad buuxda ka bixinaayaa qaabkii la isugu dayey in loo khaarijiyo hogaankii Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka dhisnaay goboladda dhexe,waxa uuna tilmaan cad video-ga ka bixinaa halka hawsha laga soo maamulay iyo masuuliyiinta dawladda federaalka soomaaliyeed ka tirsan ee lugta ku lahaay hawshaas balse amar alle ku fashilantay,waxaane sirta hawshaas bixiyey shaqsi eey diratay dawladda federaalka soomaaliyeed kaasoo ismiidaamiyaha geeyey Dhuusamareeb,hadaba ila wadaaga dhegaysiga Video-ga.