NISA OO QABATAY AGAB ALSHABAAB U SOCDAY.

(SAWIRKA)-RAGII ALSHABAAB U WEDAY AGABKA.

(MUQDISHO)-Mudooyinkii la soo dhaafay waxaa si aad ah u soo hagaagayey Amaanka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii ey si wanaagsan ey isu kaashadeen Hayadaha Amniga ee ka wada hawlgala caasimadda Muqdisho. Magaaladda Muqdisho ayaa hadda noqotay meel ka bedqabta Qaraxyada ey ku le’en jireen dad fara badan oo shacab ah kuwaaso aan waxba galabsan,waxaane Qaraxyadaasi sheegan jiray kooxda Ashabaab,hadaba hadda maxaa is bedelay? Tan iyo markii uu bilawday gulufka colaadeed ee dalka looga ciribtiraayo kooxda Alshabaab waxaa si aad loo adkeeyey baraha laga soo galoo caasimadda Muqdisho waxaane la dhigay ciidamo kala duwan balse hal shaqo haayo taaso ah iney magaaladda ka ilaaliyaan inuu soo galo Qarax amaba waxyaabo kale oo sababi kara in dad shacab ah lagu waxyeeleyo,ciidamadda Hayadda NISA kana mid ah ciidamadda Amniga caasimadda qeyb ka ah ayaa maanta oo Khamiis waxa ey magaaladda Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ku qabteen seddex baabuur oo waday Agab u badan Qalabka Korontada eyna ka mid ahaayeen Laptop iyo qalabka korontada ka dhaliya ileyska qoraxda,baabuurta la qabtay ayaa waxaa la socday sideed qofood oo mid yahay Ajnabi u dhashay dalka Yugandha,dhammaan dadkaan ayaa hadda lagu hayaa baaris la xiriirta halka ey Agabka ka keeneen iyo halka ey u wadeen,waxane la horkeeni doonaa cadaaladda mar dhaw.

ISHA/SBMEDIA.

Previous
Previous

WAA KUWEE MASUULIYIINTA DHULBAHANTE EE DIIDAY…

Next
Next

YAA QARXIYO BAALAYAASHA BECO?