NIN KA TIRSANAY AMNIYAADKA ALSHABAAB OO…

DILAA CALI ABUUKAR JIMCAALE ROOBLE OO LA XUKUMAY.

(MUQDISHO)-Cali Abuukar jimcaale Rooble ayey maxkamada ciidamada soo xirtay 3/11/22-kii isaga oo ku edeysnaay inuu ka mid yahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta geysata dilalka qorsheysan ee loo yaqaano Amniyaadka. Qoyska uu ka dhashay Cali Abuukar ayaa sannadkii 2010-kii waxay Cali u dhoofiyeen dalka Koonfur Afrika ka dib markii ey ogaadeen in wiilkooda uu ku biiray kooxda Alshabaab,todobo sano ka dib kuna beegneed dabayaqadii sannadkii 2017-kii ayuu Cali dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho isagoo aneey waxba iska bedelin fikirkiisii xagjirnimo waa sida ey sheegtay xeer iaalinta maxkamada ciidamadda qalabka sida. Kooxda Alshabaab ayaa mar kale Cali waxa ey u xilsaareen diiwaangelinta gacsiyada cusub iyo sahmintooda ee gudaha magaaladda Muqdisho waxaane Cali loo diray inuu soo qaato tababar la xiriiro sida loo isticmaalo hubka fudud sida Bastooladaha,waxa eyna haydaha amniga soomaaliyeed Cali ku edeyeen inuu la soo joogay Cali Jabhad oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose. Maxkamadeynta Cali Abuukar ayaa ah mid soo bilaabatay 4/3/23-ka ugu dambayntiina maxkamada ayaa Cali ku xukuntay xabsi ciidan oo dhan sideed(8) sano sida uu sheegay G/le.Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamada ciidmada ee darajada koobaad.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

NABADOON CAAN AH OO MUQDISHO LAGU DILAY.

Next
Next

DAGAALKII DAARU-NICAM EE SAAKAY.