NABADOON CAAN AH OO MUQDISHO LAGU DILAY.

AUN-NABADOON MUUMIN CABDI FIIDAW.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in galabta magaaladda lagu dilay nabadoon bulshada reer Muqdisho dhexdeeda caan ka ah gaar ahaan dilka ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Terebuunka ee degmada Hodan ee goblka Banaadir. Nabadoon Muumin Cabdi Fiidaw(Giriig) ayaa waxaa qeybta sare ee jirkiisa rasaas kaga furay rag ku hubaysnaay Bastoolado kana koobnaay laba rag ah,raga dilay nabadoonka ayaa isaga baxsaday goobta sida caadada ahaydne waxaa goobta soo gaaray ciidmada amaanka ee gobolka Banaadir. Marxuum nabadoon Giriig ayaa isla goobta lagu toogtay ku nafwaayey waxaane meydka nabadoonka ka qaaday ciidamada amaanka,nabadoonka ayaa ah caaqil ka soo joodo Gobolka Hiiraan ee maamulka H/shabeele,waxa uuna nabadoon Giriig si aan gabasho lahayn uga soo horjeeday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKHA OO SAXIIXAY..

Next
Next

NIN KA TIRSANAY AMNIYAADKA ALSHABAAB OO…