NIN HUBAYSAN OO MASJID KU DILAY DAD DUKANAAYEY.

(SAWIRKA)-MASJID KU YAALO AFGANISTAAN.

(KABUL)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul ayaa sheegaayo in lix qofood uu halkaasi ku dilay nin hubaysan oo weeraray Masjid ku yaalo Galbeedka dalka Afgaanistaan,waxaa sidaas maanta oo Talaada ah sheegay Afhayeenka u hadla dawladda Afgaanistaan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Afgaanistaan Cabdul-Mateen Qani ayaa sheegay in habeenkii Isniinta abaarihii 9:00-fiidnimo uu qof aan haybtiisa la aqoon uu toogtay shacab ku cibaadeysanaayey Masjid ku yaalo degmda Guraza ee Gobolka Herat. “Lix shacab ah ayaa shahiiday,qof kalane waa uu dhaawacmay”ayuu subaxnimadii maanta oo Talaada ah ku soo qoray bartiisa(X). Wakaaladda Wararka u Faafisa dawladda Afgaanistaan ee Bakhtar ayaa sidoo kale xaqiijisay tirada dhimashada weerarka ka dhacay degmadaan oo dhinaca Koonfureed ka xigta magaaladda caasimadd Goboleeda ah ee Herat. Ma jirto cid sheegatay weerarkaas lagu dilay lixda qofood hadane dadka amniga ka faalooda ayaa sheegaya in kooxda Daacish cutubkeeda Gobolka ey tahay halista ugu weyn ee amniga Afgaanistaan. Dalka Afgaanistaan ayaa waxaa tan iyo bishii Agoosto-2021-kii xukumaayey kooxda Daalibaan oo xukunka dib ugu soo laabtay xilligaas ka dib bixitaankii ciidamadda Maraykanka,wixii markaas ka dambeeyeyne kooxda Daacish ayaa weeraro dhawr ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac ka fulisay gudaha dalka Afgaanistaan.

ISHA/VOA-SOMALI.

Previous
Previous

LONDON OO NIN SEEF WATAY DAD KU DILAY.

Next
Next

MW-XASAN OO KHUDBAD XASAASI AH KA JEEDIYEY…